#XAJKA_IYO_MUUQAALADA

Published on August 15, 2019


Marka laga yimaaddo tiirarka 5-ta ah ee Islaamka, saddexda qaybood ee ugu waaweyn ee qofka muslim ah laga doonayo in uu fahmo waxa weeyi:

  1. CIBAADAADKA – Waa arrin u gaar ah qofka iyo illaahay. Waxa ka mid ah salaadda, soonka, xajka, sadaqada iwm.
  2. MUCAAMALAADKA – waxa soo galaya dhammaan xidhiidhada uu qofku la leeyahay dadka, xayawaanka, deegaanka iwm, sida wax-kala-iibsiga, guurka, dhaxalka, garsoorka, danbiyada iwm.
  3. AADABTA AMA AKHLAAQIYAADKa – Dhammaan cibaadooyinka iyo mucaamalaadkuba waxa ay leeyihiin aadaab iyo akhlaaqiyaad looga baahan yahay si aad aakhiro iyo adduunba falkaaga abaal uga hesho.

Waa mawduuc u baahan muxaadaro, lecture ama course muddo soconaya, laakiin ujeeddada aan ka leeyahay waxa weeyi in aan da’yarta iyo guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan Soomaalida dareensiiyo in sida cibaadada loo ilaaliyo si la mid ah mucaamalaadka iyo aadaabtana loo ilaaliyo.

FIIRO-GAAR AH: Qofka muslimka ah waxa la gudboon in uu garto cidda uu abaalka kaga doonayo xajka uu yahay Illaahay (SWC), sidaas awgeed, aynu iska dhaafno falalka aan fiicnayn ee ay ka mid tahay in adiga oo tiir weyn oo islaamka ah gudanaya – sida XAJKA – muuqaalo aad iska soo duubto ama lagaa soo duubo – haddii aanad ogeyn cidda kaa duubtay ama faafisay ayaa khatar ku jirta.

Midda kale, xajku waxa uu ka mid yahay CIBAADAADKA - waa arrin u gaar ah qofka iyo illaahay – maadaama ay sidaas tahay ADDOONKA iyo ILLAAHAY ha loo kala baxo.

Mustafe Adam


Comments