Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta Somaliland marka ay difaacayaan heshiiska Berbera ha u jawaabaan Sidan!
Published on March 4, 2018 Su’aasha Wariyaha Aljazeera: Waxaa jirta arrin dhinaca qaanuunka ah (sharci) oo la xidhiidha in ay shirkadda DP World heshiis la gashay dawlad aan la aqoonsan (Somaliland), taas oo aad mooddo isku day lagu minja-xaabinayso ama lagaga dul tallaabsanayo rabitaanka dawladda Soomaaliya? Raami Al-Khaliifah Al-Caliyi: Khabiir Cilmiga Falsafadda Siyaasadda ka Dhiga Jaamacadda Paris Ee Dalka Faransiiska oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa waxa uu yidhi: “Dhab ahaantii waxa aynu arrintaa kaga jawaabi karnaa heshiiskii ku dhexmaray Jabuuti Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, kaas oo dhigayey in Xukuumadda Faderaalka ah ayna faragalin karin heshiisyada ganacsiga iyo dhaqaalaha. Waxa aanu heshiiskaasi dhacay 3 sanno ka hor, kaasi waa qodob. Dhinaca kalena xaaladda Somaliland waxa ay u eegtay xaaladda Kurdustaanta Ciraaq iyo Xaaladda Waqooyiga Qubrus, hadba, xaaladda lagu jiro ayaana xukumaya xidhiidhada haddii ay yihiin kuwo ganacsi iyo haddii ay yihiin kuwo...