#HAWEENKA_IYO_XUQUUQDOODA
Published on July 5, 2018 Marwo Danielle Rowley oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka daahday kulan goluhu uu su’aalo waydiinayay Wasiirka Haweenka UK (Women’s Minster) Victoria Atkins. Isla markii ay soo gashay ayaa fursad loo siiyay in ay su’aal waydiiso wasiirka, nuxurka su’aashii ay waydiisay waxa ay u dhignay sidan: “Golaha waxa aan ka raaligelinayaa in aan ka daahay kulanka sababta oo ah waxa aan ku jiray xilligii caadada (I’m on my period), usbuucan oo keliya waxa aan agabka caadada (sanitary pads) ku kharash-gareeyay £25. Celcelis ahaan kharashka dumarka UK kaga baxa agabkan sannadkii waxa lagu qiyaasaa £500. Dumar badan ma awoodaan in ay iibsadaan agabkaas, maxaa uga qorshaysan wasiirka arrintaas?”. Victoria Atkin waxa ay ku jawaabtay in ay ku maalgaliyeen £1.5 million masharuuc ka caawinaya dumarka iyo hablaha in ay maareeyaan xilliga caadada si lacag la’aan loogu qaybiyo meelaha ay ku habboon tahay. Sidoo kale, waxa ay xustay in dawladda Ingiriiska ay ka...