SABOOLNIMO! Ma Innaga ayaa Qorshaysanay, Mise waa Qoraal? Q.2aad
Published on December 22, 2015 Saddex nin oo ka mid ah dadka ka xogsada faras-maqaalaha Hargeysa oo midba xirfad gaar ah uu ku shaqaysto ayaan su’aalo door ah waydiiyay nolol maalmeedkooda iyo sida ay u maareeyaan, su’aalahaas iyo jawaabihii ka soo baxay oo aynu ku ladhi doono qodobo ka mid ah shareecadda Islaamka ayaynu ku soo qaadan doonaa mawduucan kooban, haddii Allaah (SWC) ogolaado. Sharmaake, waa nin ku jira da’da wakhtigii loogu xoogga badanaa, laakiin ay ka muuqatay diif iyo daranyo, waxa aan ku qiyaasayaa in uu ahaa da’da loo yaqaan Gadh-madoobaha ama afartaneeyo. Sharmaake, waxa uu suuqa dhexe ee Hargeysa kaga shaqaytaa Gaadhi-gacan ama Kaaryoonle, sida uu ii sheegay waxa uu leeyahay ubad iyo Oori. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu agab ii qaaday. Imisa ayaad alaabtan iigu gaadhsiinaysaa meel heblaayo? ayaan waydiiiyay. Waxa uu iigu jawaabay, “8000sh/sl iska bixi,” gorgortan kadib, 7000sh/sl ayaanu ku heshiinay. Intii aanu dhexda ku jirnay ayaan waydiiyay, “Maalintii imisa ayaa...