#FARRIINTAYDA_JABUUTI!
Published on June 6, 2020 Waxa aan arkayay dad badan oo aad ugu faraxsan kacdoonka Jamhuuriyadda Jabuuti ka socda, kaas oo uu sababay farriin uu soo diray Fu'aad Yuusuf Cali - sarkaal ka tirsanaa ciidanka cirka Jabuuti oo ku xidhan mid ka mid ah xabsiyadda dalkaas - oo muuqaal uu iska soo duubay muujinayo tacaddi iyo arxan-darro ka baxsan xuquuqda bani'aadanimada oo lagula dhaqmay. Laakiin, iswaydiintu waxa ay tahay: Sidee lagu xallinkaraa dhacdadaas iyo kuwo kale oo la sheegay in ay ka dhacaan xabsiyadda Jabuuti? Kacdoon shacab iyo mudaharaado rabshado wataa ma yihiin xalka keliya ee lagu xallin karo? Haddiiba kacdoonkaas lagu guulaysto oo hoggaankaas iyo xukuumaddiisa laga takhaluso Jabuutida maanta mid ka qurux badan oo ka nolol wanaagsan oo ka tacaddi yari ma dhallanaysaa? Ma jiraan hannaan, hoggaamiyayaal iyo axsaab habaysan oo haddii xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle meesha ka baxdo halkaas ka sii wadaya? Waydiimahaas waxa inooga jawaabaya dhacdooyinkii ilaa 2001-dii ka d...