Posts

#FARRIINTAYDA_JABUUTI!

Published on June 6, 2020 Waxa aan arkayay dad badan oo aad ugu faraxsan kacdoonka Jamhuuriyadda Jabuuti ka socda, kaas oo uu sababay farriin uu soo diray Fu'aad Yuusuf Cali - sarkaal ka tirsanaa ciidanka cirka Jabuuti oo ku xidhan mid ka mid ah xabsiyadda dalkaas - oo muuqaal uu iska soo duubay muujinayo tacaddi iyo arxan-darro ka baxsan xuquuqda bani'aadanimada oo lagula dhaqmay. Laakiin, iswaydiintu waxa ay tahay: Sidee lagu xallinkaraa dhacdadaas iyo kuwo kale oo la sheegay in ay ka dhacaan xabsiyadda Jabuuti? Kacdoon shacab iyo mudaharaado rabshado wataa ma yihiin xalka keliya ee lagu xallin karo? Haddiiba kacdoonkaas lagu guulaysto oo hoggaankaas iyo xukuumaddiisa laga takhaluso Jabuutida maanta mid ka qurux badan oo ka nolol wanaagsan oo ka tacaddi yari ma dhallanaysaa? Ma jiraan hannaan, hoggaamiyayaal iyo axsaab habaysan oo haddii xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle meesha ka baxdo halkaas ka sii wadaya? Waydiimahaas waxa inooga jawaabaya dhacdooyinkii ilaa 2001-dii ka d...

DENMARK OO QAYBO KA MID AH WAXBARASHADA DIB U FURTAY, MAXAYNU KA BARAN KARNAA?

Image
Published on April 15, 2020 Denmark ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay Yurub oo fasaxday in dib loo furo waxbarashada carruurta, gaar ahaan kuwa da’doodu 11 sanno jir iyo ka yar tahay. Denmark waxa ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee goobaha waxbarshada xidha 12 March, waxa aanay ka mid noqdeen dalalka si fiican u xakameeyay xanuunka COVID-19. Inkasta oo uu hoos dhac weyn ku yimi heerka xannuunka ee Denmark, haddana waxa lagu eedeeyay in ay ku degdegtay go’aanka ah in dugsiyada lagu noqdo. Xukuumadda, gaar ahaan mas’uuliyiinteeda waxbarashadu waxa ay isku difaaceen in ay diyaariyeen habab iyo shuruuco cusub oo ay deegaanka iyo ardayda dugsiyada ku maamulayaan. Hababkaas waxa ka mid ah: Fayo-dhawrka iyo nadaafadda fasalada, kuraasta iyo guud ahaan deegaanka oo kor loo qaadayo. Ardayda oo ugu yaraan dhawr jeer lagu dhiirigelinayo in ay gacmahood maydhaan, iyada oo loo diyaariyay dhammaan agabkii u suurtogelinayay. Tiradda ardayda fasaladda oo la koobayo, si loo kala fogeeyo ardayda, i...

TAIWAN OO NOQOTAY DALKA DUNIDA UGU FIICAN KA-HOR-TAGGA COID-19

Image
Published on April 5, 2020 (Maxaynu ka metelnaa? Maxaynu se kaga dayan karnaa? Xanuunka Coronavirus sida ay Soomaalidu u haysato wuu ka culus yahay. Dalalkii dhaqaalaha iyo awoodda isbidayay ayaa YAABBAN. Sida keliya ee lagaga badbaadayaa waa in LAGA HOR-TAGO, haddii uu dilaacana LA-XAKAMEEYO. Ka-hor-tagga ugu wacan ee ay dalalka ay Taiwan ka mid tahay qaadeen waxa ka mid ah: (1) Dadka ka imanaya dhammaan dalalka COVID 19 uu ka dillaacay ayay joojiyeen. (2) Waxa ay fasaxeen goobihii waxabarashada iyo meel kasta oo la isugu yimaado. (3) Waxa ay amar buuxa siiyeen shacabkooda in aanay guryaha ka soo bixin. (4) Wararka been-abuurka iyo buunbuuninta ah ayay xakameeyeen. (5) Hal guddi oo hal af-hayeen leh ayaa warbixin maalinleh ah baahiya. Dalalka ilaa hadda lagu majeertay tallaabooyinka ay qaadeen ee ku guulaystay waxa ka mid ah, TAIWAN oo kanbalka u saaran dhulweynaha China oo uu xanuunkan ka bilaabmay; Australia oo xidhiidh joogto ah la leh Maraykanka, Ingiriiska, Kanada iyo Yurub oo la...

Isbedel Geeska Afrika Ka Dhacaa Waa Lama Huraan. Maxaa Uga Meel Yaal Somaliland?

Image
Published on February 25, 2020 Waa marag-ma-doon in dhibaatooyin aad u culculus ay soo gaadheen dadka iyo dalka Somaliland xilligii taliskii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Dhibaatooyinkaasi keliya kuma koobna xasuuq ama dad iyaga oo nool raabo-raabo la iskugu xidhay oo la laayay, laakiin, waxa la hilmaamay oo aan inta badan qorshaha lagu darsan riiqda iyo saamaynta taban ee ay dagaaladaasi reebeen. Dhaawacyada illaa hadda aan laga bogsan waxa ugu weyn kuwo DHAQAALE iyo MASKAXEED (trauma). Waa arrimaha keenay in bulshadu ay ku noolaato kalsooni-darro xad-dhaaf ah iyo kala shaki iyo waliba colaad loo qabo dawladnimada iyo hay’adaha dawladda. Taasna waxa tusaale kuugu filan in badan oo ka mid ah dadka xil-dawladeed loo dhiibo sida ay doonaan ayay ugu takri falaan, qabyaaladduna waa tiirka keliya ee ay cuskadaan. Guud ahaan bulshaduna danta guud waxa ay u arkaan timir xabaal-taal oo ninkii doonaaba xantoobsado. Nasiib-wanaag, Somaliland muddo rubuc qarni ka badan ayay dawlad dhammays...

“Qof weyn oo caafimaad iyo miyirkiisa qaba, ha iska jiifo oo ha cuno, dadkana ha baryo waa ceeb,” Tagsiile.

Image
Published on January 27, 2020 “Qof weyn oo caafimaad iyo miyirkiisa qaba, ha iska jiifo oo ha cuno, dadkana ha baryo waa ceeb,” ayuu yidhi Jimaale oo ah wiil aqoonyahan ah oo ku shaqaysta gaadiidka yaryar ee Vitz-ta loo yaqaan. Jimcaale waxa uu saddex iyo toban sanno ka shaqaynayay hay’ad caalami ah. Waxa uu ahaa sarkaal sare oo hay’addaas u qaabilsan xafiiska maamulka iyo maaliyadda (Admin and finance). Waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha ugu mushaharka fiican, waxa uu qaadan jiray lacag dhan $1200 bishii oo xaqiisa, fasaxyadiisa iyo caafimaadkiisu u dheer yihiin. Jimcaale waa aabe ka mas’uul ah saddex carruur ah iyo hooyadood oo ku nool magaaladda Hargeysa. “Markii aan dhamaystay jaamacadda waxa aan bilaabay in aan iskay shaqo u raadsado, nasiib-wanaag markiiba waxa aan helay shaqo fiican oo aan heer hoose ka soo bilaabay, ilaa aan madax ka noqday xafiiska maamulka iyo xisaabaadka. Saddex iyo toban (13) sanno ayaan shaqaale ka ahaa hay’addaas oo ahayd kuwa gargaarka ee caalamiga ah. Hay’a...

OROMADA IYO SOOMAALIDA QAAD WAX KA WEYN AYAA KA DHEXEYAA!

September 17th, 2017 Colaadda cusub ee dhexmartay  qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromadu waa arrin u baahan in aan la fududaysan ee degdeg loo xalliyo. Sababta oo ah labadan qoomiyadood waxa ka dhexeeya taariikh soo jireen ah iyo jaarnimo dhinaca dhulka ah. Marka laga yimaado aragtida odhanaysa Oromadu waxa ay duullaan ku yihiin dhulka Soomaalida oo u baahan in si cilmiyaysan loo darso, haddii ay jirtana u baahan in qorshe laga yeesho sidii looga hortagi lahaa oo aan dagaal ahayn, waxa aan halkan ku soo bandhigayaa aragtidayda oo ka kooban todoban  qodob oo aanay Soomaali iyo Oromado u kala maarmayn. Labada Qoomiyadood waxa ay wadaagaan xuduudda ugu dheer gobolka oo lagu qiyaaso 1,400km, taas oo haddii deegaan ka mid ah colaadi ka aloosanto ku baahaysa. Maadaama oo ganacsiga Soomaalidu furfuran yahay suuqyada ugu waaweyn ee ay badeecadahooda u iib-geeyaan waa gobolka Oromada. Xoolaha loo Iib-geeyo dalalka khaliijka, tiro badan oo xoolaha Oromada ah ayaa ku jira, gaar ahaan lo’da....

#XAJKA_IYO_MUUQAALADA

Image
Published on August 15, 2019 Marka laga yimaaddo tiirarka 5-ta ah ee Islaamka, saddexda qaybood ee ugu waaweyn ee qofka muslim ah laga doonayo in uu fahmo waxa weeyi: CIBAADAADKA – Waa arrin u gaar ah qofka iyo illaahay. Waxa ka mid ah salaadda, soonka, xajka, sadaqada iwm. MUCAAMALAADKA – waxa soo galaya dhammaan xidhiidhada uu qofku la leeyahay dadka, xayawaanka, deegaanka iwm, sida wax-kala-iibsiga, guurka, dhaxalka, garsoorka, danbiyada iwm. AADABTA AMA AKHLAAQIYAADKa – Dhammaan cibaadooyinka iyo mucaamalaadkuba waxa ay leeyihiin aadaab iyo akhlaaqiyaad looga baahan yahay si aad aakhiro iyo adduunba falkaaga abaal uga hesho. Waa mawduuc u baahan muxaadaro, lecture ama course muddo soconaya, laakiin ujeeddada aan ka leeyahay waxa weeyi in aan da’yarta iyo guud ahaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan Soomaalida dareensiiyo in sida cibaadada loo ilaaliyo si la mid ah mucaamalaadka iyo aadaabtana loo ilaaliyo. FIIRO-GAAR AH: Qofka muslimka ah waxa la gudboon in uu garto cidda uu abaalka ...