Laba Muwaadin Oo Kala Fog: Qormo Sawir Guud ka Bixinaysa Xaaladda Dabaqadaha Nololeed ee Dalka.
Tuesday, May 31, 2016 May 30, 2016 - Saaka aniga oo lugaynaya goob ku taal magaaladda Hargeysa ayaa indhayagu waxa ay ku dhaceen muuqaal ii qiiro geliyay: waa farqiga u dhaxeeya laba muwaadin, Soomaali, muslimiin ah. Waxa u dhaxeeyay fogaan aan ka badnayn labaatan talaabo (20 meter). Labada muwaadin midi waxa uu dhisanayaa hanti lacagta la geliyay lagu qiyaasay laba milyan oo dollarka maraykanka ah ($2 million), halka muwaadinka kale oo markii dhaayahagu ku dhaceen duruufta iyo waayaha ka muuqday, laakiin faraxsanaa uu ka xoogsanaayay meherad yar oo dhawr caagadood oo biyo ah, dhawr sharaab ah, dhawr qardaas oo bukud ah iyo dhawr baakidh oo sigaar ah ay yaaleen, taas oo cashuur iyo masaariib hadba wixii Illaahay ka siiyo laga bixiyo. Markii aan u fiirsaday waxa aan arkay muwaadinkan oo qof dumar waayeel ah ahayd oo gacanta dhabanka saartay oo daawanaysa shaqaale Saancadaaleyaal iyo Soomaali isugu jira oo ku mashquulsan qurxinta iyo dhiraynta hantidan lacagta badan la geliyay. Inka...