Posts

Showing posts from March, 2017

DHACDADA XAYAYSIISKA DHARKA IYO TALOOYINKA KU WAAJAHAN XUKUUMADDA, CULIMADA & BULSHADA

Published on March 27, 2017 Qof walba dhinac ayuu ka istaagay dhacda 'WIILAL REER HARGEYSA AH OO DHAR- XAYAYSIINAYAY'. Fekerkayga haddii aan soo bandhigo, iyada oo aanan ku degdegayn ‘xaaraan iyo xalaal’ ka uu noqonayo, Dhacdadaasi waxa ay ahayd dhacdo dhaqankeena iyo diinteenna suuban ka hor-imanaysa, qodobadan awgood: 1. Dharka ay xidhnaayeen waxa uu ahaa dhar ku dhagan oo cawradooda muujinayay. Sida muuqaalada ka muuqatay qaar ka mid ah cawradooda ayaa muuqatay oo xuduntooda meelo ka hooseeya ayaa muuqday. Sharciyanna ma bannaana in qofka muslimka ah uu xidho dhar xubnihiisa jidhka muujinaya rag iyo dumarba. 2. Goobta waxa joogay HABLO, dharka la xayaysiinayayna waxa ay ahaayeen DHAR-RAG, sidaas awgeed, waxa cad in habluhu ay meesha u yimaadeen in ay daawadaan ragga, sababta oo ah badankoodu waxa ay moobiladooda ku qaadanayeen sawiro, mana bannaan in habluhu daawadaan jidhka ragga. 3. Inta badan dhacdooyinka iyo dhaqanada kuwan la mid ah waxa ay inagaga yimaadeen dalal aan m...