Posts

Showing posts from November, 2018

Guddoomiyaha Telesom, oo ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaanka ugu Wanaagsan Shirkadaha Teknoolajiyadda & Isgaadhsiinta ee Afrika Sannadka 2018

Image
Published on November 15, 2018 Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Abdikarim Mohamed Eid ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaanka ugu Wanaagsan ee Shirkadaha Teknoolajiyadda & Isgaadhsiinta ee Afrika Sannadka 2018. Abaalmarintan oo loo yaqaano “AfricaCom Awards CXO of the Year" waxa xalay 14th Nov 2018 lagaga dhawaaqay magaalada CapeTown ee dalka South Afrika. Waana Abaalmarin Caalami ah oo lagu muujiyo hoggaamiyayaasha ku guuleystay in ay horumar ku soo kordhiyeen Isgaadhsiinta & Teknoolajigga Afrika.  Abaalmarintan ayaa sannadkasta waxa lagu qabtaa dalka Koonfur Afrika. Waxana shirweynaha lagu soo bandhigo ka soo qaybgala in ka badan kumanaan qof. Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas'uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iy...