Isbedel Geeska Afrika Ka Dhacaa Waa Lama Huraan. Maxaa Uga Meel Yaal Somaliland?
Published on February 25, 2020 Waa marag-ma-doon in dhibaatooyin aad u culculus ay soo gaadheen dadka iyo dalka Somaliland xilligii taliskii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Dhibaatooyinkaasi keliya kuma koobna xasuuq ama dad iyaga oo nool raabo-raabo la iskugu xidhay oo la laayay, laakiin, waxa la hilmaamay oo aan inta badan qorshaha lagu darsan riiqda iyo saamaynta taban ee ay dagaaladaasi reebeen. Dhaawacyada illaa hadda aan laga bogsan waxa ugu weyn kuwo DHAQAALE iyo MASKAXEED (trauma). Waa arrimaha keenay in bulshadu ay ku noolaato kalsooni-darro xad-dhaaf ah iyo kala shaki iyo waliba colaad loo qabo dawladnimada iyo hay’adaha dawladda. Taasna waxa tusaale kuugu filan in badan oo ka mid ah dadka xil-dawladeed loo dhiibo sida ay doonaan ayay ugu takri falaan, qabyaaladduna waa tiirka keliya ee ay cuskadaan. Guud ahaan bulshaduna danta guud waxa ay u arkaan timir xabaal-taal oo ninkii doonaaba xantoobsado. Nasiib-wanaag, Somaliland muddo rubuc qarni ka badan ayay dawlad dhammays...