Posts

Showing posts from April, 2020

DENMARK OO QAYBO KA MID AH WAXBARASHADA DIB U FURTAY, MAXAYNU KA BARAN KARNAA?

Image
Published on April 15, 2020 Denmark ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay Yurub oo fasaxday in dib loo furo waxbarashada carruurta, gaar ahaan kuwa da’doodu 11 sanno jir iyo ka yar tahay. Denmark waxa ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee goobaha waxbarshada xidha 12 March, waxa aanay ka mid noqdeen dalalka si fiican u xakameeyay xanuunka COVID-19. Inkasta oo uu hoos dhac weyn ku yimi heerka xannuunka ee Denmark, haddana waxa lagu eedeeyay in ay ku degdegtay go’aanka ah in dugsiyada lagu noqdo. Xukuumadda, gaar ahaan mas’uuliyiinteeda waxbarashadu waxa ay isku difaaceen in ay diyaariyeen habab iyo shuruuco cusub oo ay deegaanka iyo ardayda dugsiyada ku maamulayaan. Hababkaas waxa ka mid ah: Fayo-dhawrka iyo nadaafadda fasalada, kuraasta iyo guud ahaan deegaanka oo kor loo qaadayo. Ardayda oo ugu yaraan dhawr jeer lagu dhiirigelinayo in ay gacmahood maydhaan, iyada oo loo diyaariyay dhammaan agabkii u suurtogelinayay. Tiradda ardayda fasaladda oo la koobayo, si loo kala fogeeyo ardayda, i...

TAIWAN OO NOQOTAY DALKA DUNIDA UGU FIICAN KA-HOR-TAGGA COID-19

Image
Published on April 5, 2020 (Maxaynu ka metelnaa? Maxaynu se kaga dayan karnaa? Xanuunka Coronavirus sida ay Soomaalidu u haysato wuu ka culus yahay. Dalalkii dhaqaalaha iyo awoodda isbidayay ayaa YAABBAN. Sida keliya ee lagaga badbaadayaa waa in LAGA HOR-TAGO, haddii uu dilaacana LA-XAKAMEEYO. Ka-hor-tagga ugu wacan ee ay dalalka ay Taiwan ka mid tahay qaadeen waxa ka mid ah: (1) Dadka ka imanaya dhammaan dalalka COVID 19 uu ka dillaacay ayay joojiyeen. (2) Waxa ay fasaxeen goobihii waxabarashada iyo meel kasta oo la isugu yimaado. (3) Waxa ay amar buuxa siiyeen shacabkooda in aanay guryaha ka soo bixin. (4) Wararka been-abuurka iyo buunbuuninta ah ayay xakameeyeen. (5) Hal guddi oo hal af-hayeen leh ayaa warbixin maalinleh ah baahiya. Dalalka ilaa hadda lagu majeertay tallaabooyinka ay qaadeen ee ku guulaystay waxa ka mid ah, TAIWAN oo kanbalka u saaran dhulweynaha China oo uu xanuunkan ka bilaabmay; Australia oo xidhiidh joogto ah la leh Maraykanka, Ingiriiska, Kanada iyo Yurub oo la...