#WAXBARASHADA_HABALAHA

Published on September 6, 2018

In haweenka waxbarashada loogu dadaalo oo aqoontooda la kobciyo waxa ay ka hortag u tahay dhibaatooyin badan oo soo waajihi kara NAFTOODA, CARRUURTOODA & SAYGOODA.

Muhiimaddu maaha in aqoonta habalaha la siinayo laga rajaynayo dheef adduun oo deg-deg ah, laakiin, waa in ay ubadkeeda iyo nafteeda si wanaagsan u maarayso oo dhibkii KORRIINKEEDA lala soo maray aanay waalidkeed ugu biirin ka nafteeda iyo ka carruurteeda.

Waalidku isaga oo xaq adduun ka badan kugu leh ayaaa haddana waxa ay aad u jecel yihiin oo ay ku farxaan in ay arkaan carruurtoodii iyo dirkooda oo ku nool nolol wanaagsan.

FIIRO-GAAR AH: 

Waxbarashada loo baahan yahay, waa mid TAYO iyo FAA’IIDO leh, laakiin, jaamacad baan ka baxay ilmo-yar oo fuuq-baxayana aad guriga ku haysato waxba maad baran.

Comments