Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta Somaliland marka ay difaacayaan heshiiska Berbera ha u jawaabaan Sidan!

Published on March 4, 2018

Su’aasha Wariyaha Aljazeera: Waxaa jirta arrin dhinaca qaanuunka ah (sharci) oo la xidhiidha in ay shirkadda DP World heshiis la gashay dawlad aan la aqoonsan (Somaliland), taas oo aad mooddo isku day lagu minja-xaabinayso ama lagaga dul tallaabsanayo rabitaanka dawladda Soomaaliya?

Raami Al-Khaliifah Al-Caliyi: Khabiir Cilmiga Falsafadda Siyaasadda ka Dhiga Jaamacadda Paris Ee Dalka Faransiiska oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa waxa uu yidhi: “Dhab ahaantii waxa aynu arrintaa kaga jawaabi karnaa heshiiskii ku dhexmaray Jabuuti Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, kaas oo dhigayey in Xukuumadda Faderaalka ah ayna faragalin karin heshiisyada ganacsiga iyo dhaqaalaha. Waxa aanu heshiiskaasi dhacay 3 sanno ka hor, kaasi waa qodob.

Dhinaca kalena xaaladda Somaliland waxa ay u eegtay xaaladda Kurdustaanta Ciraaq iyo Xaaladda Waqooyiga Qubrus, hadba, xaaladda lagu jiro ayaana xukumaya xidhiidhada haddii ay yihiin kuwo ganacsi iyo haddii ay yihiin kuwo intaa kasii badanba, Waayo sida aynu ognahay qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa u ogolaaday Ciidamo Faransiis ah in ay galaan biyaha Soomaaliya, gaar ahaanna Jamhuuriyadda Somaliland. Arrimahaas oo dhan ayaa heshiikan ka dhigaya heshiish qaanuuni ah (sharci) oo ay ogoshay Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer qodobka saddexaad oo ah in ayna xukuumadda Soomaaliya fulin karin rabitaanka iyo baahiyaha Somaliland. Soddonkii sanno ee inna soo dhaafay dhaqaaalaha ayaa si ba'an u burburayey, waqti xaadirkanna sida uu sheegay Wargayska laga leehay Ingiriiska Ee (Economist) Jamhuuriyada Somaliland waa dawladda kaliyaata ee Dimuqraadiga ah. Waxaa halkaas ka hana-qaaday tijaabo Dimuqraadi ah. Waxaa halkaas ka dhacay doorashooyin madaxtinimo oo la aqoonsan yahay amaba xalaal ah. Waxaa kale oo halkaas ka dhacay doorashooyin baarlamaan.

Haddaba halkaas (Somaliland) waxa ka jirta tijaabo, haddii ay tijaabadaasi fashilantana waxaa ka dhalan doona xaalad xasilooni darro ah oo saamayn doonta Khaliijka, Cadan, Geeska Afrika iyo Xiitaa Koonfurta Jasiirad-la-moodda Carabta. Sababta oo ah markii ay budhcadeeddu halkaas ku faaftay caalamka ayaa u soo gurmday, Waayo mandiqaddani (gobolkani) waa goob istiraatiiji ah oo ay ka gooshto qayb weyn oo ka mid ah Ganacsiga dunida. Isku soo wada-duuboo, dhammaan arrimaas oo is kaashanaya ayaa heshiiskaas ka dhigaya mid lagama maarmaan ah oo aad muhiim ugu ah bulshada ku dhaqan mandiqaddaas iyo ganacsiga caalamiga ah.

Fiiro-gaar ah: Waa hal-celinta qayb ka mid ah barnaamij ka baxay Tilifishanka Caalamiga ah ee Aljazeera oo Dood ka sameeyay heshiiska saddex geesoodka ah ee ay shirkadda maamulaysa dekedda Berbera ka yeesheen Somaliland, DP-Word iyo Ethiopia.

Comments