#HAWEENKA_IYO_XUQUUQDOODA
“Golaha waxa aan ka raaligelinayaa in aan ka daahay kulanka sababta oo ah waxa aan ku jiray xilligii caadada (I’m on my period), usbuucan oo keliya waxa aan agabka caadada (sanitary pads) ku kharash-gareeyay £25. Celcelis ahaan kharashka dumarka UK kaga baxa agabkan sannadkii waxa lagu qiyaasaa £500. Dumar badan ma awoodaan in ay iibsadaan agabkaas, maxaa uga qorshaysan wasiirka arrintaas?”.
Victoria Atkin waxa ay ku jawaabtay in ay ku maalgaliyeen £1.5 million masharuuc ka caawinaya dumarka iyo hablaha in ay maareeyaan xilliga caadada si lacag la’aan loogu qaybiyo meelaha ay ku habboon tahay. Sidoo kale, waxa ay xustay in dawladda Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay meesha ka saarto cashuurta dawladda ee agabkan (sanitary products) marka ay boqortooyada Ingiriisku si buuxda uga baxdo Midawga Yurub.
Maxaa inaga khuseeya mawduucan:
1. Golayaasheenu ma ku fekeraan ama ma waydiiyaan su’aalahaas iyo kuwa la mid ah mas’uuliyiinta ay khusayso?
2. Wasaaradaha ay khusayso qorshaha ama miisaaniyadda ma ugu jirtaa in ay arrimahaas iyo kuwa la mid ah wax ka qabtaan?
3. Ma la ogyahay ama ma la ogaan karaan tirada hablaha waxbarashada uga hadhay arrimahaas, gaar ahaan tuulooyinka iyo dadka saboolka ah?
FIIRO-GAAR AH:
Arrimaha bulshada saamaynta ku leh xishood ma leh.
Xuquuqda haweenku keliya maaha KOOTO!

Comments
Post a Comment