Guddoomiyaha Telesom, oo ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaanka ugu Wanaagsan Shirkadaha Teknoolajiyadda & Isgaadhsiinta ee Afrika Sannadka 2018
Abaalmarintan oo loo yaqaano “AfricaCom Awards CXO of the Year" waxa xalay 14th Nov 2018 lagaga dhawaaqay magaalada CapeTown ee dalka South Afrika. Waana Abaalmarin Caalami ah oo lagu muujiyo hoggaamiyayaasha ku guuleystay in ay horumar ku soo kordhiyeen Isgaadhsiinta & Teknoolajigga Afrika.
Abaalmarintan ayaa sannadkasta waxa lagu qabtaa dalka Koonfur Afrika. Waxana shirweynaha lagu soo bandhigo ka soo qaybgala in ka badan kumanaan qof.
Hoggaamiyaha Shirkadda Telesom Somaliland waxyaabaha lagu xushay waxa ka mid ah in uu shirkadda uu mas'uulka ka yahay ku guulaysatay in ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarka dhaqaalaha Somaliland, iyada oo Somaliland ka dhigtay waddankii shanaad ee si habsami ah uu uga hirgalo adeegga moobilka lacagta la isugu diro (ZAAD) iyo waddankii ugu horreeyey ee laga hirgeliyo adeegga sarrifka lacagta moobilka, taas oo isbeddel ballaadhan ku sameysay nolosha bulshada Somaliland. Adeegyada kale ee indhaha caalamka soo jiitay waxa ka mid ah adeegga Cloud-ka iyo adeegyada dheeraadka ah sida AQOONMAAL.

Comments
Post a Comment