DENMARK OO QAYBO KA MID AH WAXBARASHADA DIB U FURTAY, MAXAYNU KA BARAN KARNAA?
Inkasta oo uu hoos dhac weyn ku yimi heerka xannuunka ee Denmark, haddana waxa lagu eedeeyay in ay ku degdegtay go’aanka ah in dugsiyada lagu noqdo.
Xukuumadda, gaar ahaan mas’uuliyiinteeda waxbarashadu waxa ay isku difaaceen in ay diyaariyeen habab iyo shuruuco cusub oo ay deegaanka iyo ardayda dugsiyada ku maamulayaan. Hababkaas waxa ka mid ah:
- Fayo-dhawrka iyo nadaafadda fasalada, kuraasta iyo guud ahaan deegaanka oo kor loo qaadayo.
- Ardayda oo ugu yaraan dhawr jeer lagu dhiirigelinayo in ay gacmahood maydhaan, iyada oo loo diyaariyay dhammaan agabkii u suurtogelinayay.
- Tiradda ardayda fasaladda oo la koobayo, si loo kala fogeeyo ardayda, inkasta oo sida ay sheegeen ay hawl adag tahay.
- Xaaladda caafimaad ee ardayda oo koormeer joogto ah lagu haynayo.
MAXAYNU KA BARAN KARNAA?
Inkasta oo ay adag tahay in aynu hirgelino tallaabooyinkaas, sabab dhaqaale iyo maamul awgeed, haddana waxa aan is leeyahay waxa aynu kaga dayan karnaa qodobo ka mid ah haddii ay xaaladdu sidan ahaato ama ka wanaagsanaato. Tusaale:
- Tiradda ardayda dugsiga oo la dhimo – Fasal walba waxa loo kala qaybinayaa laba qaybood – maalin-dhaaf ayaa la dhiganayaa.
- Fayo-dhawrka iyo nadaafadda dugsiyada oo kor loo qaadayo. Dugsiyada gaar loo leeyahay kuwii ka soo baxa shuruudaha waa loo ogolaanaya, kuwa dawladda waxa dammaanad qaadaysa xukuumadda.
- Xaaladda caafimaad ee ardayda oo koormeer joogto ah lagu haynayo: Dugsi walba waxa lagu qorayaa ugu yaraan labo ka mid ah xirfadlayaasha caafimaadka, si ay u la socdaan xaaladda caafimaad ee ardayda.
WAA SOO-JEEDIN, sababta oo ah waxbarashaddii dib-u-dhac ayaa ku imanaya, hawl-wadeenadii waxbarashada, gaar ahaan macallimiintii iyo shaqaalihii kalena ilihii dhaqaalaha ayaa u soo noqonaya.

Comments
Post a Comment